Soo Dhawow Ramadaan
Ramadaan Kariim
بسم الله الرّحمن الرّحيم
السّلام عليكم ورحمة الله وبركاته
وبعد
Magaca Allaha Naxariista guud iyo gaar ahaaneed leh.
Mahad gabi ahaan Allaah leh.
Naxariis iyo nabadna Nabi Muxammad (scw) ha siiyo.
Nabigu (scw ) wuxuu dhihi jiray markii uu bisha arko: Eebow nooga dhig amni iyo iimaam, nabad iyo islaamnimo, Rabbigey iyo Rabigaa waa Alle, naqo bishii khayr iyo wanaaga" . Xadiiskan waxaa soo tabiyayTirmidi, waana Xadiis wanaag san.
Akhyaarta sharafta badan lahey waxaa inagu soo fooleh dayf iyo marti aad iyo aad qiimo iyo qaayaba akteena ugu leh, mudan in aan kusoo dhawayno qalbi iyo gacmo furan, camal badan iyo cibaado suuban, Waa bishii Ramadaan ee Eebe barakada uu ka buuxshay.
Biashan Ramadaan wuxuu Alle dhex dhiga khayr, barako iyo fadli aan bilkale laga heli karin, waxaana kamid ah:
1 Waa Bishii Quraanka.
2. Waa bishii Soonka.
3. Waa bishii Taraawiixda iyo Tahajudka.
4. Waa bil albaabada Janada labalaqo.
5. Waa bil irdaha Naarta laxiro.
6. Waa bil shayaadiinta xadh-kaha iyo xabsiga lagu uruuriyo.
7. Waa bishii danbi dhaafka iyo naxariista Alle.
8. Waa bil naarta la iska xoreeyo ( waa qofkii camal iyo cabsi Alle ku dadaala)
9. Waa bishii deeqsinimada iyo gacan furnaanta.
10. Waa bil ajriga iyo abaal gudka la beekhaamiyo.
11. Waa bil ajriga iyo abaalka Soonkeeda Alla uuni iska leeyahay.
12. Waa bisha Jibriil iyo madaxda Malaa,igtu booqasho ugu soo dagaan dhulka.
13. Waa bishii lagu dhex qariyay habeen ka khayr badan kun bilood ( 1000 bilood) = ( 83.4 year)
Qodobadan fadliga iyo qiimaha badan xambaarsan iyo kuwa kalaba waxaa si cad u qeexaya Aayadaha Quraanka Kariimka iyo Sunada Nabiga (scw) ee saxiixa Ah.
Hadaba walaalkay/shay; waxaa liibaanay qofkii bishan barakaysan een sanadkii hal mar kabadan laheli karin sidii loogu tala galay uga faa,ideysta, cimrigiisana ku korodh-saday sideetan & sadex (83) sano.
Hoog iyo halaag oo dhan wuxuu ku habsaday qofkii ay Bishani ka dhamaato isaga oo ka fara madhan. Mahad sanidin
Ramadaan Mubaarak
وكل عام وأنتم بخير
Sh.A.Taajir. USA


