لبّيك اللهمّ لبّيك
بسم الله الرّحمن الرّحيم
الحمد لله ربّ العالمين ، والصّلاة والسّلام على رسول الله
وبعد![]()
Mahad Alla iska leh, Naxariis iyo nabadna Nabi Muxammed hasiiyo.
لبّيك اللهمّ لبّيك ، لبّيك لا شريك لك لبّيك ، إنّ الحمد والنّعمة والمُلك لك لاشريك لك
Q1aad
Hordhac: Walaal inkasta oo ay Magaalada Barakaysan ee Makka Al Mukarrama iyo wadamo badan oo dunida dacaladeeda katirsan oo ay ku nool yihiin malaayiin Muslimiin ahi ay isu jiraan kumanaan iyo kumanaan mayl, kharash kuna uu culus yahay, safar kuna uu daal iyo dhibato badan leeyahay, hadana sanad walba (oo Hijri ah)xiliyadan oo kale markii la soo gaadho waxaa bilawda abaabul iyo dhaq-dhaqaaq badan oo ay boqolaal iyo boqolaal kun isugu diyaarin hayaan gudashada Xajka oo ay xiiso badan u hayaan.
Arintan oo ah aqbal ducadii Nabi Ibraahim (SCW) kumanaan sano ka hor uu yidhi: Rabbigayow Ehel iyo Ubad kaygii waxaan dajiyay meel aan badar iyo baad toona lahayn,oo Gurigaaga xurmada leh aktiisa ah, Rabbigayow si ay salaadaada u tukadaan, ee dadka quluub tooda xagooda u soo leexi (jeclaysii)..., Suratu Ibrahim ,37.
Sidoo kale waa aqbal iyo ajiibid dhawaaqii Nabi Ibrahim (scw) kumanaan sano ka hor markii lafaray in uu ugu yeedho dadka gudashada Xajka wuxuuna yidhi Eebe: ugu yeedh dadka gudashada Xajka, waxay ku iman hayaan lug iyo gaadiid kasta, waxayna ka iman hayaan meel walba oo fog (meelo fog- fog)..., Suuratul Xaj,27.
Sidaa derteed muslimiintu maanta waxay ka soo xajiyaan daafaha dunina oo dhan (cidhif yada dhulka), waxayna ka iman koonfurta iyo bariga fog, sida: Japan, Indonisiya, Newzealand, Australia.
Sidoo kale cidhifka galbeed ee aduunka sida: Canada & USA.
Cidhifka waqooyiga aduunka sida: Norway iyo wadamada reer Yurub.
Iyo sidoo kale cidhifyada koonfurta dhulkan aan ku noolahay, sida: South Africa iyo qaarada Afrika.
Waxay Muslimiintu Xajka ku iman hayaan diyaarado waaweyn oo hawada sare soo jiidha, maraakiib baaxad leh oo hirarka iyo moolka badaha waaweyn soo jeexa, basas iyo gawaari farabadan oo boqolaal mayl si isdaba joog ah u soo gooya.


