Diintu Waa Dhanqan Soomaaliyeey!!!

  Maqaal kan waxaan ku qaadaa dhigi doonaa arimo aan ku tilmaami karno akh-laaq daro iyo anshax xumi aan Soomaalida lagu aqoon jirin, balse qurba jooga wadamada Reer Galbeedka sida USA iwm lagu dhex arki karo, sidaas darteed maqaalkani wuxuu si toos ah u taaban hayaa qurba jooga Soomaaliyeed ee ku dhaqan wadamada Reer Galbeedka, maqaalkiina/qoraalkiina waa sidan ee akh-risasho wacan.

   Magaca Allaha Naxariista Badan baa Mahad gabi ahaanba isgaa leh. Naxariis iyo Nabadna Nabi Muxammed (scw) hasiiyo.

Diintu waa dhaqan Muslimiiney!!!

   Akhristaha sharafta badan lahaw mahad waxaa iska leh Allaha inaga dhiga ummad Muslim ah oo ku abtirsata Diinta diimaha lagu soo gunaanaday (waa Islaamka) iyo Rasuulka ugu fadliga badan ee lagusoo af jaray soo dirida fariin sidayaasha, ( waa Nabi Muxammed scw).
Balse waxaa is waydiin mudan akhristaw Muslimnimada saxsani maxay tahay? Islaamnimada saxsani matahay in dhaqan kayaga, nolol maalmeedka iyo Man-hajka Diinta Islamku ay laba dhabe kala qaadaan!!?
Akhriste Islaamnimada saxsani waa in Rabbiga caalamka uumay(abuuray) kitaabkiisa sharafta badan leh iyo fariimaha uu xambaarsan yahay si buuxda oon ka leex-leexasho lahayn loo raaco, looguna dhaqmo.
Rasuulkiisa Muxammed (scw) ee fariin sidayaasha laguso af jarayna dhaxalka uu inooga tagay si buuxda loo hirgaliyo ku dhaqankiisa.

  Walaal Alle wuxuu ina farayaa inaan si buuxda u qaadano Diinta Islaamka, wuxuuna yidhi: War dadka Alle iyo Rasuulkiisa rumaysanow islaam nimada si buuxda u dhex gala, hana raacina dhabaha Shaydaanka waa cadawgiin oo qayaxane. Suurada Al Baqara,208.

  Sidookale Wuxuu Yidhi Eebe: Qofkii Alle isu dhiiba, una hogaansama isagoo rumaysan wuxuu qabsaday (cuskaday) xarigii xooga badnaa, Suurada Al Luqmaan,22.

 Camar Bin Caas (rc) wuxuu yidhi, Nabigu (scw) wuxuu yidhi: qofku ma rumaysno (iimaankiisuu ma dhamays tirno) inta hawadiisa iyo dookhiisu ay ka raacayaan (uga hogaan samayaan) Manhajka iyo Diinta islaamka ee aan la,imid. waa xadiis saxiix ah.