Su’aalo Somali ah


Xarunta Umatul Islam Center  waxay idiin soo gudbin haysaa su’aalo diini ah, fadlan kaajawaab waxaad garanwaydidna waydii Imaamka Masjidka Umatul Islam Center Fadiilatu Sh.ahmed-Taajir.

  1. Sheeg Suurada      ereyga(Allaah) aayadaheeda oo dhan lagu sheegay? A:————
  2. Sheeg Tirada Suuradaha      ereyga (Allaah) uusan ku jirin? Marka laga reebo Bisinka.      A:———————————————————————————-
  3. Sheeg Aayada ugu dheer      & aayada ugu gaaban Quranka? A:———–,———–
  4. Sheeg  aayada Quraanka  ugu soo hordagtay & tan ugu      danbeysay? A:———-
  5. Waa imisa tirsiga      Aayadaha Quranku? A:————————–.
  6. 69 jeer baa lagu      sheegay”ereyga” Ibrahim Quranka, qaarkood waxay u qoran yihiin “إبراهيم ”      qaarkalana”      إبراهم ” Sababtu maxay      tahay? A:————————-
  7. Sheeg suuradaha loogu      magac baxshay erey aan lagu dhex sheegin?A:————-
  8. Sheeg magacyada todobada      Qaari ee Quraanka? A: ———————————–
  9. Sheeg Qaariga ugu      Caansan Culumada Soomaaliyeed aqrinta quraanka? A:——-
  10. Sheeg Nabiga ah wiil ay      dhaleen sadex Nabi oo is dhalay? A:————————
  11. Sheeg qoyska kaliya oo      laga helo afar Saxaabi oo is dhashay? A:——————–
  12. Sheeg Rasuul Caruurtiisu      ay wadayihiin wiilal, Rasuul caruurtiisu yihiin gabdho, Rasuul caruurtiisu      ay yihiin isku dhaf iyo Rasuul aan carrurba dhalin? A: 1. ————2.—————-3.—————4.—————.
  13.  Soonku wuxuu u shafeecayaa Adoonka  Maalinta Qiyaame, Sheeg afar kale oo u      shafeeca Adoonka Maalinta qiyaamaha?      A:———,———-,———-,———–.
  14. Waa maxay farqiga u      dhexeeya Rasuul iyo Nabi? A:———————————-.
  15. Sheeg aayad tusin in      ilmuhu uu caloosha hooyadii ku dhex jiro sadex mugdi oo is korsaaran? A:————————————-
  16. Goormaa-Sanadkee-      lawaajibiyay Soonka Ramadan? A:—————————–.
  17. Sanad keebaa lawaajibyay      Shanta Salaadood? A:————————————–.
  18. Salaad sadex rakcadood      ah oo afar ataxiyaad leh, sey ku dhici kartaa? Sheeg sababta ?      A:———————————————————————————.
  19. Salaad halkii rakcadba      laba rukuuc leh,sheeg Salaadaas magaceeda?A:————.
  20. Waa kee Cunigii ugu      horeeyay ee Muhaajiriinta u dhashay Hijrada kadib?A:—–
  21. Waa kee Saxaabigii ugu      dhimasha denbeeyay? Sheeg Magaciisa &Da,diisa markii uu dhimanhayay?    A:———————————————————————–.
  22. Waa kee Makhluuqa ugu      dhimasho danbeyn doona aduunka? A:—————–.
  23. Waa kee Saxaabiga uu      Bukhaari yidhi:60 Sano ayuu jaahili ku noolaa  60 sanana islaamnimo ayuu ku noolaa?A:—————————————-.
  24. Waa kuma Saxaabiga uu  Rasuulku(scw) yidhi: maragiisuu wuxuu u dhigmaa labo nin makhraatigood? A:————————————————————.
  25. Waa kee Saxaabiga uu      Rasuulku (scw)ku yidhi; miyaadan raali ku ahayn in aad iga joogto halka uu      Haaruun ka joogo Nabi Muuse, balse gadaashay Nabi majiro?   A:—————————————————-.
  26. Sheeg Magaca Hashii      Nabiga uu kori jiray(scw)? A:——————————-.
  27. Sheeg  Magacyada afar  ka mid ah Nabiga(scw)      adeeradiis?A:——————-
  28. Sheeg Magacyada sadex ka      mida Nabiga(scw) Eedooyinkiis?A:—————–
  29. Sheeg dardaarankii ugu danbeeyay  ee uu Nabigu yidhi markii  uu nafbaxayay?      A:——————————————————————————————-.
  30. Kumuu ahaa Saxaabiga uu      Malag Jibriil isu soo ekeysiin jiray marka uu Nabiga u imanhayo?      A:—————————————————————————.
  31. Taariikhda Islaamku      waxay ka bilaabataa:(A) Dhalashada Nabiga(B) Dhamashadii Nabiga ( C)      Markii Makka Diinta darteed looga soo baxsaday?

Dooro sadexdan keebaa sax ah.

  1.    Waxaad sheegtaa Magaca Abuubakar      Assidiiq & kan aabihiis?A:—————-.
  2. Waxaad Sheegtaa Magaca      Salaxu Diin Al-Ayyuubi? A:——————————-.
  3. Waxaad Sheegtaa Magaca      saxaabiga Bilaal Hooyadii?A:——————————.
  4. Waxaad Sheegtaa      Saxaabiga kaliya ee magaciisa lagu sheegay Quranka?A:——–
  1. Sheeg  nika looyaqano Fircoonka  Ummada Islamka?A:—————————–.